Submittable Logo

Barmaamijka Lacagbixinta Shaqaalaha Safka Hore & Submittable

Halkan waxaanu u joognaa inaanu ku caawino

Jawaabo u hel Su'aalaha alaaba la iska weydiiyo Barnaamijka Lacagbixinta Shaqaalaha Safka Hore ee Minisoota ama waxaad la xiriiri kartaa kooxdeena kaalmada ee caawimada badan.

Hero Image

Su'aalaha Alaaba La Is Waydiiyo

Jawaabo degdeg ah u hel su'aalaha badanaa la iska waydiiyo Barnaamijka Lacagbixnta Shaqaalaha Safka Hore.

SU'AALAHA FARSAMO
SU'AALO KU SAABSAN BARNAAMIJKA

Halkee baan ka codsadaa?

Booqo http://www.frontlinepay.mn.gov/ si aad u bilowdo codsigaaga. Codsigu wuxu furmi doonaa 8-da Juun, 2022 saacadu markay tahay 12 g.h. CST. Codsiyada waa in la helaa (ka hor) maalinta Jimcaha 22-ka, Luuyo 2020 saacadu markay tahay 5:00 g.d CST.

Down Arrow Icon

Sidee baan u codsadaa?

Ka dib markaad shuruudaha barnaamijka si taxaddar leh u akhrido, waxaad ku soo geli kartaa akoonkaagii Submittable ee horey u jirey ama waxaad sameysan kartaa si aad u hesho codsiga. Ku soo gelista Submittable waa bilaasha waana midda la rabo in codsiyada loogu soo gudbiyo Barnaamijka Macluumaad Abuurista ee LinkedIns.

Markaad soo gasho akoonka, waxaad arki doontaa kediska u qalmista codsiga. Dhameystir su'aalaha kediska oo soo gudbi codsigaaga.

Codsigaaga oo qabyo ah ayaa kaydsamayha dhowrkii daqiiqoba mar. Haddii aad baxdo ka hor intaadan dhameystirin codsiga, jawaabahaagii hore waa la keydinayaa. Si aad u eegto codsigaaga qabyada ah oo aad u sii wadato codsiga, ku laabo bogga codsiga, soo gal akoonkaaga Submittable, guji Qabyada Kaydsan, oo dooro Sii Wad.

Marka aad soo gudbiso codsigaaga, waxaad Submittable ka heli doontaa iimayl xaqiijin ah. Fadlan hubi in ciwaanka Iimaylka aad akoonkaaga Submittable ku sameysatay uu yahay mid aad si joogto ah ula socoto."

Down Arrow Icon

Sidee baan ku soo galaa akoonkeyga Submittable?

Akoonkaaga Submittable waxaad ka soo geli karaysaa manager.submittable.com/login. Haddii aad weyday ama ilawday baaswoorkaaga, tilmaamaha halkan ka raac.

Down Arrow Icon

Meeday qabyadii gudbinteyda?

Si aad u eegto qabyada codsigaaga oo aad u sii waddo, akoonkaaga ka soo gal manager.submittable.com/login,guji Qabyada Keydsan, oo dooro "Sii Wad".

Down Arrow Icon

Ma heli doonaa ogeysiis ii sheegaya in codsigeygii la helay?

Haa, waxaad iimayl xaqiijin ah ka heli doontaa notifications@email.submittable.com marka aad gudbiso codsigaaga. Si aad u hubiso inaadan seegin wax farriimo muhiima ah, waxaanu kugula talineynaa inaad daarto ogeysiisyada liiska amniga.

Down Arrow Icon

Ma awoodi doonaa inaan wax ka beddelo codsiga aan gudbiyo ka dib markaan khalad sameeyo?

Maya. Fadlan hubi in dhammaan xogta aad bixisay sax tahay ka hor intaadan riixin badhanka "GUJI HALKAN SI AAD U CODSATO".

Down Arrow Icon

Ma tirtiri karaa akoonkeyga Submittable?

"Haa, Submittable waxa ka go'an ilaalinta amniga iyo sirnimada xogta, taasna waxa ka mid ah inaanu si buuxda ugu hogaansanno Sharciga Guud ee Ilaalinta Xogta (GDPR) iyo Xeerka Sirnimada Xogta Macaamiisha ee Kalafoorniya (CCPA).

Si aad u sii waddo codsiga tirtirista akoonkaaga gaarka ah ee Submittable, fadlan buuxi foomkan.

Waa lagu soo ogeysiin doonaa hadba halka wax marayaan inta lagu jiro tallaabooyinka kala duwan ee macluumaadkaaga lagaga saarayo nidaamkeena."

Down Arrow Icon

Sidee baan uga laabtaa soo gudbinteyda?

Soo gudbiyayaashu waxay soo gudbin shaqeynaysa ka laaban karaan markasta. Si aad uga laabato soo gudbin shaqeynaysa, raac tallaabooyinka aad halkan ka helayso.

Down Arrow Icon

Sidee baan ku helaa taageero farsamo?

Haddii aad u baahan tahay taageero farsamo, waxaaad foomkan hoose buuxsan kartaa 24ka saacadood ee maalinta, 7da maalmood ee todobaadka.

Down Arrow Icon

Find more technical information in our Help Center

I need help with something else

We're here to help! If you have questions, please send us a message.

Write to us

24 hours a day 7 days a week